Ururka dhallinyarada ee Scouterna wuxuu dhallinyarada u diyaarinayaa nolosha! In scout la noqdaa waxay ka dhigan tahay in hab caalami la isu dhexgalo oo loo wadatamashleeyo taaso isla markaasna uu qofku ku korayo. Waxaa dunida ku nool 40 milyan ka tirsan ururka scouter, Iswiidhenna ilaa 70 000 qof.

Dhaqdhaqaaqyada ururka Scouter waxaa loo sameeyaa kooxkoox isbarbar socda si qof waliba u muuqdo oo uu uga qaybqaato intii awooddiisa ah. Waxyaalaha aad ku dhiirrato in aad samaysana wax ayaad ka barataa oo waad ku kortaa. Horumar ayaad ka gaareysaa oo waxaad ku baraneysaa in aad is hagto oo hoggaamiso dadka kale. Dabeecadda ayaa noo hoy ah oo waxaad isku dhiirrigelinaa in aan meelo iyo habab cusub wax ku samaynno.

Ururka dhallinyarada ee Scouterna wuxuu u dagaalamaa duni tan ka sii wanaagsan oo dadku isku qiime leeyihiin. Dadka xubnaha ka ah waxaa lagu dhiirrigeliyaa in ay saamayn ku yeeshaan bulshada dhexdeeda, degaanada ay ku nool yihiin iyo dunida oo dhan.

Ururka dhallinyarada ee Scouterna wuxuu u taagan yahay oo hoggaamiya dhallinyarada oo taageero ka haysta dadka waaweyn.

Hawlahayagu waxay ku dhisan yihiin isqiimayn oo micneheedu yahay in la isu qaddariyo saaxiibtinimo iyo aadami ahaan. Cid walbana waa u furan tahay in ay mid noqdaan ururka scouter oo ma jiro qof laga reebayo.